Sign in to follow this  
Deeq A.

Damaca Dhul Balaadhsiga Majeerteeniya Iyo Moganaanta In Badan!Q.2

Recommended Posts

Deeq A.   

Burburkii Somaliya Ka dhacayna kaalinta ugu weyn bay ku lahaayeen,dib u qaabeynta Juqraafiyada somaliya iyo Siyaasada fed

  • E389017E-47E3-4BF4-8AF3-4E2E988D5176.png


eralka Somaliya iyaga ayaa hormood ka ah.Qalalaase badan oo ka jira gudaha Somaliyana waxay ka yihiin dabka lagu shido waxaa aan sidaa u lee yahay arimo badan oo jira oo aan u muuqan Karin dadka caadiga ah balse qof kasta oo caadi ahiba garan karo marka la tilmaamo waxay yihiin.Waxaa aan ka xusi karnaa kuwan:-
I- Siyaasada Abuuritaankii Dawlad Goboleedka Puntland

 II- Qaab dhismeedka Dawlada Federalka Somaliya iyo Fikirka Federalismka
III- Dhul balaadhsiga Siyaasadeed ee dhinaca Juquraafiyada :
a) Jubaland
b) Sool iyo Sanaag oo lagu qodbo Dawlad goboleedka Puntland.
IV- Muruanka Juqraafiyadeed ee Gaal kacayo (labada Dawlad Goboleed)

I- Siyaasada Abuuritaankii Dawlad Goboleedka Puntland
Dawlad Goboleedka Puntland waxaa la aasaasey Sanadkii 1998 waana fikir ka abuurmey ka dib waayo aragnimadii Somalidu ka heshay dhismihii iyo dib ula soo noqoshadii Xoriyadii 26 June 1960 ee Jamhuuriyada Somaliland,taas oo Somalida garansiisay qaabka ku dayashada mudan ee dadkii Somaliyeed ee boqortooyada Midowday (United Kingdom) gumeysan jirtey u sugeen nabad gelyada dalkooda iyo dadkooda oo intey Shirweyne iskugu yimaadeen magaalada Burco ee Jamhuuriyada Somaliland meel iska dhigeen kala qaysanaantii uu Kaligii taliyihii Maxamed Siyaad ku kala qaybiyey hubkana iskugu dhiibey,kana gaadheen hashiis iyo in la isa saamaxo oo walaalnimadii iyo wada jirkii Somaliland dib loo soo cesho wadankana lawada dhisto,loo istaago dhismaha qaran Somaliland oo mid ah.Arintaasi waa mid Somali oo dhan garansiin karta heerka garaadka dadka reer Somaliland ee bisil caalamkana garansiin karta hadii la arabo in Siyaasada Somaliya si aan hagrasho lahayn oo daacada wax looga qabto in ugu horeyn Somaliland talada wax laga siiyo waayo waxay ku najaxeen dhismaha dalkooda,amaanka geeska iyo aduunka,oo dhan iyada oo aan beesha caalamku waxba la qaban,taageerin ayey ku guuleysteen 1991 dhisme dad iyo dal leh haykal dawladnimo.
Dastuurka Puntland waxaa uu qorayaa qodobadiisa tilmamaya Dawlada Puntland Sidan:
Qodobka 4aad

Dawladda Puntland waa qayb ka mid ah Soomaaliya, xil ayaana ka saaran hirgelinta Dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan habka Federaaliga ah.
Awoodaha Dawladda Puntland ay ku wareejin doonto dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo xuquuqaha ay yeelanayso Puntland, waxa ay ku imaanayaan wada xaajood iyo heshiis dhexmara Dawladda Federaalka iyo Dawladda Puntland, taas oo lagu qeexi doono Dastuurka Federaalka iyo kan Dawladda Puntland
Inta laga dhammaystirayo Dastuur federaal ah oo Puntland wax ka ansixisay ka dibna afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madaxbannaan. Dawladda Puntland waxaa u bannaanaanaysa in ay dib u eegto arrimaha ku xusan faqradaha 1aad, 2aad iyo 3aad ee isla qodobkan, haddii: (b) Soomaalidu ku heshiin weydo qaab-dhismeed dawladeed oo aan ka hooseyn nidaamka Federaaliga ah. (t) Ay daba dheeraadaan daganaansho la’aanta iyo dagaallada ka aloosan qaybaha kale ee Soomaaliya. Mowqifka cusub ee Xukuumadda Puntland ka qaadato arrimahaas waxaa cod saddex meelood laba (2/3) ku ansixinaya Golaha Wakiillada, ka dibna waxaa loo qaadayaa afti, sida ku cad qodobka 139-aad faqradiisa 1aad ee Dastuurkan. Qodobkaa 4aad farqada 3aad Wuxuu qeexaya in Puntland ilaa inta afti loo qaadayo dastuur federal ah oo ay Somaliya yeelato Puntlandna wax ka ansixisey, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madaxbannaan.Sidaa darteed Punland imiga waa dawlad Madaxbanaan waayo dastuur federal ah oo afti loo qaadey ma jiro.Qodabada kale ee xisaha leh waxaa ka mida kuwan: Qodobka 5aad DADKA Dadka Dawladda Puntland waa dadka u dhashay Puntland iyo qof kasta oo Puntlandnimada ku helay qaab sharci ah. Xeer u gaar ah ayaa qeexi doona Puntlandnimada, xaqa degenaanshada iyo kasbashada meeqaanka Puntlandnimada .Qodabada ka hadlaya muwaadinimada puntland waa kuwo ka hor imanaya nidaanka federalka ah waayo waxaa aan meelna kaga jirin xuquuqda qofka Somaliga ah ee federalka ay wadaagaan,kaasi ma waxaa loola dhaqmayaa ruux ajanabi ah .Qodobka 7aad DHULKA IYO SOOHDIMAHA Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, karkaar, Mudug, Heylaan iyo Sanaag. Midnimada dhulka Puntland waa lama taabtaan, lagumana xadgudbi karo, lamana kala qaybin karo. Puntland waxay soo dhaweyneysaa lana xaajooneysaa degmo iyo gobol kasta oo doonaya inuu ku soo biiro Dawladda Puntland. Dhulka Puntland waxaa ku dhan hawada sare, berriga iyo dhulka hoostiisa, jiidda dhaqaalaha ee badda oo dhan 200 maylka badda ah oo ka bilawda halka uu ku dhammaado hirka ugu dambeeya, waxaana mas’uul ka ah Dawladda. Qodabadani waa kuwo halis ku ah nabadgelyada mandaqada waayo Puntland waxay dastuurkeeda ku darsatey gobolo iyo degmooyin dal deris la ah oo aaney cidna wax ka weydiin iyada oo ku xadgudubtey xeerarka caalamiga ee xududaha la aqoonsan yehay waayo Somaliland Xuduudaheedu waa kuwii shanta Somaliyeed lagu dhisay ee lagu kala qeybiyey,isku keenida shantii Somaliyeedna waa arin kale oo hada aan haabkaba lagu haynin waana dalal kala madax banaan maanta.Sidaa darteed Caalamku waa in uu Puntland gardaradeeda meel saaraa. Lasoco Qaybaha dambe……….
M J Farah
source hogaanka.org

rashiid64@outlook.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this