Sign in to follow this  
Deeq A.

Video: R/W Kheyre oo u duulay Qatar iyo ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah maanta ugu ambabaxay dalka Qatar, sida aan shalay daabacnay inuu maanta baxayo.

Ra’iisul Wasaaraha oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Qatar ayaa la filayaa marka uu gaado Dooxa in uu madaxda dalkaas la yeesho kulamo ay uga wada hadlayaan xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo dhinacyada iskaashiga laba geesoodka ah.

Ra’iisul wasaare Khayre ayaa sidoo kale ka qeyb galaya shirka sannadlaha ah ee Madasha Dooxa oo sanadkii hore ee 2017 uu sidaan oo kale uu uga qayb galay.

Dowladda Qatar ayaa ah dowladda carbeed ee xiriirka ugu weyn la leh dowladda federaalka Soomaaliya.

Waxa uu safarkan kusoo aadayaa ayada oo xiisad siyaasadeed ay ka taagan magaalada Muqdisho, kadib markii xildhibaano ay mooshin ka keeneen madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Si kastaba, mooshinka ayaa hadda mugdi badan uu galay kadib markii 14 xildhibaan oo la sheegay inay ka mid ahaayeen 92-ka xildhibaan ee saxiixay mooshinka, ay sheegeen in magacooda laga been abuurtay.

pm1.jpg pm2.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this