Sign in to follow this  
Deeq A.

Baydhabo Oo Si Weyn Loogu Soo Dhawayeeyay Kooxda Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Melbourne

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne ayaa gaartay Magaalada Baydhabo ee maamulka Koonfur Galbeed waxaana si heer sare uga soo dhaweeyay bahda ciyaaraha,shacabka iyo madaxda waxayna halkaas joogidoonaan maamlo,iyagoo halkaa ku leh ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho sidoo kale waxa ay caawindoonaan dadka baahiya gaarka qaba ee xaga caafimaadka

23675116_1968264480096957_74080786227456

Gudoomiyahay kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne Xuseen Xarakow ayaa ka warbixayay socdaalka Koonfur Galbeed,isagoo mahad celiyay xiriirka kubbadda cagta iyo shacabka Koonfur Galbeed sida weyn ay ugu soo dhaweeyeen.

23737712_1968263910097014_16681051283995

Cabdullahi Cali Watiin oo ah Gudoomiyaha degmada Baydhabo ayaa sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin boooqashada jaaliyada Soomaaliyeed ee dalka Austaralia ayna sugidoonaan jaaliyadaha ee kale qurbaha ku nool si loo arko horomarka ka jira deegaanada Koonfur Galbeed.

077-300x169.jpg

Ku simaha madaxweynaha ahna gudoomiyaha baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye ayaa bogaadiyay maamulka jaaliyada Austaralia wuxuuna sheegay fursadaha ay qurbaha ku haystaan ay ku caawiyaan walaalahadooda ku dhibaataysan dalka.

vlcsnap-2018-11-07-20h56m11s674-300x169.

Bahda ciyaaraha Koonfur Galbeed ayaa booqashadii kowaad ee kooxda jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne u araka talaab wanaagsan oo ku aadan kobaca iyo horomarka ciyaaraha deegaanadooda.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan Safarka Kooxda Melbourne Ee Koonfur Galbeed

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this