Deeq A. Posted December 12, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta ka guuray dhismaha Madaxtooyada, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo madaxa banaan. Guddoomiyaha ayaa la sheegay in uu dagay Hoteel ku yaalla degmada Wadajir, una dhow Garoonka diyaaradaha Aada Cadde ee magaalada Muqdisho. Lama oga sababaha uu guddoomiyaha BFS uga guuray Madaxtooyada, balse waxaa jiray cadaadisyo uu la kulmayay, tan iyo markii uu qabtay Mooshinka Madaxweynaha. Dhinaca kale Afhayeenka G/Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa markii ugu horreysay ka hadlay Mooshinka ka dhanka ah Madaxweyne Farmaajo. War ka soo baxay xafiiskiisa ayaa lagu sheegay in Mooshinka uu qabtay 9-kii bishan uu waafaqsan yahay qodobka 92aad, faqradiisa 1aad iyo 2aad ee Dastuurka KMG ah. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Guddoomiyaha BFS Oo ka guuray Madaxtooyada appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites