Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Sare Oo Ansixiyay Sharciga Naafada Qaranka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa maanta meel mariyay hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda Qaranka ee dadka Naafada ah.

Ugu horreyn Xildhibaan Samsam Ibraahim Cali oo ah guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka iyo cadaalada Aqalka Sare oo kulanka ka hadashay ayaa Golaha ka dalbatay in ay Ansixayaan sharcigan oo ay Goluhu marsiiyeen akhrinta 2 aad iyo 3aad..

Intaasi kadib Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa meel mariyay Hindise sharciyeedka Naafada Qaranka oo xaqsiinaya dadka Naafada ah.

Cabdi Xaashi C/laahi guddoomiyaha Golaha Sare oo oo guddoomiyay kulankan ayaa Xildhibaanada uga mahadceliyay meel marinta Hindise Sharciiyedkan.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xilligan si aad ah loogu baahnaa  dhismaha hay’adda Qaranka ee dadka Naafada ah .

Horay waxaa Hindise Sharciyeedkan u soo meel mariyay Xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoona u gudbay Aqalka Sare oo isna maanta Ansixiyay Sharcigaasi.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

vlcsnap-2018-12-13-00h20m16s686.png vlcsnap-2018-12-13-00h18m34s794.png vlcsnap-2018-12-13-00h18m43s698.png vlcsnap-2018-12-13-00h18m52s092.png vlcsnap-2018-12-13-00h19m39s541.png vlcsnap-2018-12-13-00h19m46s336.png

The post Aqalka Sare Oo Ansixiyay Sharciga Naafada Qaranka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this