Deeq A. Posted December 12, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Aqalka Sare ayaa maanta meel mariyay hindise sharciyeedka dhismaha hay’adda Qaranka ee dadka Naafada ah. Ugu horreyn Xildhibaan Samsam Ibraahim Cali oo ah guddoomiyaha guddiga xuquuqul insaanka iyo cadaalada Aqalka Sare oo kulanka ka hadashay ayaa Golaha ka dalbatay in ay Ansixayaan sharcigan oo ay Goluhu marsiiyeen akhrinta 2 aad iyo 3aad.. Intaasi kadib Xildhibaanada Aqalka Sare ee Soomaaliya ayaa meel mariyay Hindise sharciyeedka Naafada Qaranka oo xaqsiinaya dadka Naafada ah. Cabdi Xaashi C/laahi guddoomiyaha Golaha Sare oo oo guddoomiyay kulankan ayaa Xildhibaanada uga mahadceliyay meel marinta Hindise Sharciiyedkan. Guddoomiyaha ayaa sheegay in xilligan si aad ah loogu baahnaa dhismaha hay’adda Qaranka ee dadka Naafada ah . Horay waxaa Hindise Sharciyeedkan u soo meel mariyay Xildhibaanada Golaha Shacabka, isagoona u gudbay Aqalka Sare oo isna maanta Ansixiyay Sharcigaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Aqalka Sare Oo Ansixiyay Sharciga Naafada Qaranka appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites