Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Khayre Oo U Ambabaxay Qatar

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah maanta ugu ambabaxay dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Qatar ayaa la filayaa marka uu gaaro Dooxa in uu madaxda dalkaas la yeesho kulamo ay uga wada hadlayaan xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo dhinacyada iskaashiga laba geesoodka ah.

Sidoo kale R/wasaae Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galaya shirka sannadlaha ah ee Madasha Dooxa oo sanadkii hore ee 2017 uu sidaan oo kale uu uga qayb galay.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

pm2.jpg Kheyre.jpg

The post Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Khayre Oo U Ambabaxay Qatar appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this