Deeq A. Posted December 12, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa booqasho rasmi ah maanta ugu ambabaxay dalka Qatar. Ra’iisul Wasaaraha oo casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Qatar ayaa la filayaa marka uu gaaro Dooxa in uu madaxda dalkaas la yeesho kulamo ay uga wada hadlayaan xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo dhinacyada iskaashiga laba geesoodka ah. Sidoo kale R/wasaae Xasan Cali Khayre ayaa ka qeyb galaya shirka sannadlaha ah ee Madasha Dooxa oo sanadkii hore ee 2017 uu sidaan oo kale uu uga qayb galay. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-Ra’iisul Wasaare Khayre Oo U Ambabaxay Qatar appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites