Deeq A. Posted December 12, 2018 Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maanta howlgallo ka sameeyay magaalada Gaakacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay Ciidamadu ka sameeyeen xaafadaha Waqooyiga magaaladaasi. Qaar ka mid ah Saraakiisha ammaanka ee Puntland ayaa sheegay u jeedka howlgalladaasi ay ahaayeen kuwa lagu xaqiijinayay amniga. Sidoo kale waxa ay saraakiishu intaasi ku dareen in howlgalladani looga hortagayay suurta galnimada falal ammaan dari oo ka dhaca halkaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxa falal ammaan dari oo isugu jira dhac iyo dilal qorsheysan ay ka dhacayeen qeybo ka mid ah magaaladaasi. The post Howlgallo ballaaran Oo laga sameeyay M/ Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites