Sign in to follow this  
Deeq A.

Liverpool Oo U Soo Baxday Wareega 1-6 Ciyaaraha Yurub Iyo Tottenham Oo Wacdaro Dhigtay.

Recommended Posts

Deeq A.   


Dhinaca kale kooxda Tottenham ayaa Barcelona la soo gashay barbaro 1-1 ah si ay ugu soo baxdo wareega 16ka UCL taas oo keentay in Inter Milan ay ku dhacday tartanka laabad ee Europa league.

(SLT-Barcelona)Liverpool ayaa si laayableh ugu soo baxday wareega 16ka kooxood ee UEFA Champions League kadib markii ay 1-0 ku garaacday kooxda Napoli kulan cajiib ah ahaa oo ay Reds min bilaw ilaa dhamaadkii awooda sare lahayd balse ay fursad lumin aan la rumaysan karin soo bandhigtay.

SHIXIHII BARCELONA VS TOTTENHAM:

TOTTENHAM (4-2-3-1): Hugo Lloris; Kyle Walker-Peters, Toby Alderweireld, Jan Vertonghen, Danny Rose; Moussa Sissoko, Harry Winks; Christian Eriksen, Dele Alli, Son Heung-min; Harry Kane

Kaydka: Paulo Gazzaniga, Olver Skipp, Eric Dier, Ben Davies, Lucas Moura, Fernando Llorente, Erik Lamela..

BARCELONA (4-3-3): Jasper Cillessen; Nelson Semedo, Juan Miranda, Clement Lenglet, Thomas Vermaelen; Arthur, Ivan Rakitic, Carles Alena; Coutinho, Ousmane Dembele, Munir El Haddadi.

Kaydka: Lionel Messi, Sergio Busquets, Arturo Vidal, Jordi Alba, Gerard Pique, Denis Suarez, Marc-Andre ter Stegen.

Daqiiqadii 7 aad Ousmane Dembele ayaa gool cajiib ah oo uu si shaqsi ah uga shaqaystay ku burburiyay difaaca Tottenham isaga oo markale muujiyy sida aan loo joojin karin marka uu xaalad fiican ku jiro wuxuuna goolkan ku dhaliyay kubbad laaga xorta ahayd oo Tottenham tuurtay oo ay Barca iska soo saartay.

  • 9B5C158B-0776-4FF9-A197-D68C2FED7209.jpe
  • 842D93D3-F54F-4D8E-B04F-A76C7788606C-102

Dembele oo markii hore si sahlan u garaacay ayaa si sahlan ku garaacay Walker-Peters laakiin qaabka uu kubbada ula orday iyo sida uu ciyaartoyda Tottenham u wareeriyay ayaa qurux gaar ah goolkan u sii yeeshay, wuxuuna ciyaarta ka dhigay 1-0 ay Barca hogaanka ku qabtay.

Tottenham ayaa dagaal wayn u gashay sidii ay ciyaarta ugu soo alaban lahayd halka Barcelona ay wali raadinaysay qaabkii ay goolal kale ku keensan lahayd.

Fursadii ugu fiicnayd ee Tottenham waxaa qasaariyay Son laakiin Coutinho ayaa dhamaadkii qaybtii hore helay fursad uu Tottenham ku sii niyadjabin lahaa balse fursad cajiib ah oo uu helay ayay birtu ka beenisay.

Qaybtii hore ee ciyaarta Barcelona ayaa ahayd kooxda fursadaha ugu badan abuurtay laakiin Tottenham ayaa bandhig fiican oo ay niyadsami ka heli kartay kala soo muuqatay Camp Nou.

Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 1-0 ay Barcelona hogaanka ciyaarta ku haysay iyada oo Tottenham wali u baahnayd in ay badbaadiso rajadeeda Champpions League.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii labaad ee ciyaarta Tottenham ayaa si wayn ugu dagaalantay in ay barbaraha keensato maadaam oo ay ku soo bixi karaysay.

Daqiqiadii 85 aad Tottenham ayaa ugu danbayn keensatay goolka barbarhaa ee ka caawiyay in ay ugu so baxdo wareega 16ka kooxood ee Champins League iyada oo Lucas Moura uu goolkan u saxiixay Spurs.

Lucas Moura ayaa noqoday geesiga Tottenham u soo saaray wareega 16ka Champions League kadib markii ay Tottenham barbaro la soo gashay Barcelona isla markaana ay Inter Milan barbaro 1-1 ah la gashay kooxda PSV.

Ugu danbayn Barcelona iyo Tottenham ayaa barbaro 1-1 ah galay taas oo Inter Milan daaqada ka turutay kadib markii ay awoodi wadyay in ay dhaafto kooxda PSV

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this