Deeq A. Posted December 12, 2018 (SLT-Shabeella Hoose) ararka ka imaanaya deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in Al-Shabaab ay toogteen saddex ruux oo ay sheegeen in labo ka mid ah ka tirsanaayeen ciidanka dowladda iyo nin kale oo ka mid ahaa ergadii soo dooratay Xildhibaanada Baarlamaanka. Maxkamad ay leeyihiin Al-Shabaab ayaa raggan ku riday xukun dil ah, iyadoo shalay gelinkii dambe lagu toogtay fagaare ku yaal deegaanka Mubaarak. Saddexda nin ee la toogtay ayaa lagu kala magacaabaa Maxamuud Faarax Aadan oo 28 jir ahaa iyo Mahad C/laahi Abuukar oo 29 jir ahaa, kuwaasoo ka tirsanaa ciidanka dowladda, halka Maxamed Tifow Xeydar oo 59 jir ah uu ka tirsanaa Odayaashii Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka. Al-Shabaab ayaa horay deegaanada ay maamulaan ka fuliyay toogasho dad ay sheegeen inay basaas u yihiin sirdoonada shisheeye, dowladda Federaalka iyo dalalka deriska ah. Source Share this post Link to post Share on other sites