Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Mursal oo war ka soo saaray mooshinka laga gudbiyay Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyaha Aqalka hoose ee Baarlamanka dowladda Federaalka Soomaaliya,Maxamed Mursal Sheikh Cabdiraxmaan ayaa maanta markii u horeysay war ka soo saaray mooshinka xilka qaadista madaxweynaha ee 9-kii bishan December 2018 uu ka qabtay qaar kamid xildhibaannada.

Qoraal ka soo baxay xafiiskka guddoomiyaha oo lagu faafiyay baraha bulshada ayuu ku sheegay in mooshinka xilka qaadista madaxweyne Farmaajo ee ay soo gudbiyeen xildhibaannadu la waafajin doono sida uu qabo Dastuurka dalka iyo xeer-hoosaadka Golaha shacabka Baarlamanka Soomaaliya.

Warka uu soo saaray guddoomiyaha ayaa jawaab looga dhigay qoraal kale oo shalay ka soo baxay xoghayaha Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya,Cabdikariin Xaaji Cabdi(Buux) kaasoo lagu sheegay  in uu jabay mooshinkii laga gudbiyay madaxweynaha,maadaama 14 kamid ah xildhibaannada ku saxiixan ay sheegeen in laga been abuurtay,sida ku xusan qoraalka mudane Buux.

MURSAAL.jpg?resize=720%2C960&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Guddoomiye Mursal oo war ka soo saaray mooshinka laga gudbiyay Farmaajo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this