Sign in to follow this  
Deeq A.

Garoowe: Murashax cusub oo ku dhawaaqay inuu u tartamayo doorashada madaxweynaha

Recommended Posts

Deeq A.   
IMG_1077.jpg?resize=640%2C427&ssl=1Dr Bashiir Maxamed Xuseen 11 December 2018

Dr Bashiir Maxamed Xuseen oo kamid ah siyaasiyiinta Puntland,  ayaa  Garoowe kaga dhawaaqay  inuu u tartamayo, doorashada madaxweynaha Puntland ee la qorsheeyay 8-da January 2019 oo haatan maalmo kooban ka harsan yihiin.

Mudane Bashiir ayaa xalay murashaxnimadiisa  ka shaaciyay, munaasabad si maqaam sare ah loo agaasimay oo ay ka qeyb galeen; siyaasiyiin,aqoonyahanno,isimo,haween iyo dhalinyaro isaga kala yimid xaafadaha ay ka koobantahay caasumadda dowladda Puntland ee Garoowe.

Waxaa sharaf ii ah, in aan caawo mar kale hortiina soo istaago, anigoo si rasmi ah u caddeynaya, in aan doonayo in aan u tartamo,xilka ugu sarreeya Puntland ee ah jagada madaxweynaha dowladda Puntland” ayuu yidhi Dr Bashiir oo shaacinayay murashaxnimadiisa.

Murashaxa ayaa khudbad dheer oo uu munaasabadda ka jeediyay, wuxuu si faahfaahsan ugu soo bandhigay qorshihiisa waxqabadka,haddii la doorto madaxweynaha Puntland,waxaana uu sheegay in uu  soo dhisi doono xukuumad tiro yar oo tayo fiican,taasi  oo wax ka qabata arrimaha amniga,dhaqaalaha,ka faa’idaysiga khayraadka dabiiciga ah,arrimaha bulshada iyo la’agaallanka musuq maasuqa &eexda ragaadisay hay’adihii dowliga ahaa ee Puntland.

Wuxuu si gaar ah u ballan qaaday, in uu musuq maasuqa u aqoonsan doono musiibo qaran,islamarkaana uu dagaal adag la geli doono,haddii uu ku guulaysto xilka madaxweynaha Puntland”waxaan maalinta koowaadba musiibo qaran u qoonsan doonaa musuq maasuqa,sababtoo ah musuq maasuqu waa isha ugu weyn ee ay ka soo burqadaan xanuunnada bulshada ku dhaca oo dhan” ayuu murashax Bashiir.

Dhinaca kale, Af-hayeenka guud ee isimada Puntland,Garaad Cabdullaahi Cali Ciid oo munaasabadda hadal ka jeediyay, ayaa ammaanay  qorshaha hiigsiga murashaxu soo bandhigay ee ku jihaysan waxqabadkiisa haddii la doorto,wuxuuna Garaadku ku boorriyay in uu ballanqaadkaasi ka dhabeeyo, haddii Alle ku guuleeyo xilka madaxweynaha Puntland.

Dhammaan dadkii munaasabadda ka hadlay, ayaa si midaysan u soo dhoweeyay khudbadda murashaxa ee maaxanaysay waxqabadka qodobaysan oo uu ballan qaaday haddii la doorto.

IMG_0941.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_0944.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_0946.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_0960.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_0963.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_0992.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_1015.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_1020.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_1035.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_1039.jpg?resize=640%2C359&ssl=1 IMG_1057.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 IMG_1077.jpg?resize=640%2C427&ssl=1 nnnn.jpg?resize=640%2C426&ssl=1 uuuu.jpg?resize=640%2C426&ssl=1  yeeh.jpg?resize=640%2C426&ssl=1

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar

The post Garoowe: Murashax cusub oo ku dhawaaqay inuu u tartamayo doorashada madaxweynaha appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this