Sign in to follow this  
Deeq A.

Aqalka Sare Oo bilaabay kulamo lagu xalinayo khilaafka G/Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Golaha Aqalka Sare ee BFS ayaa bilaabay dadaallo xoogan oo lagu xalinayo khilaafka siysaasadeed ee soo kala dhexgalay madaxda Qaranka.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo kala duwan la qaatay guddoonka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka.

Kulamadan ayaa diirada lagu saaray, sidii xal dhab ah looga gaari lahaa khilaafkaasi.

Sidoo kale Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa lagu wadaa in maanta kulan ay ku yeeshaan magaalada Muqdisho.

Wararka qaar ayaa sheegaya in kulankan looga hadli doono xaaladda dalka, gaar ahaan xiisada siyaasadeed ee ku soo korortay dalka.

Xaaladda cakiran ee Golah Shacabka ayaa ka dhalatay, kadib markii Xildhibaano ka tirsan Golahaasi ay Mooshin ka keeneen Madaxweynaha JFS Maxamed C/laahi  Farmaajo.

The post Aqalka Sare Oo bilaabay kulamo lagu xalinayo khilaafka G/Shacabka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this