Deeq A. Posted December 12, 2018 Waajid ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal xoogan oo saacadihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolka Bakool ee K/ Soomaaliya. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay Dagaalyahannada Al Shabaab iyo Ciidamo ka tirsan kuwa Itoobiya. Waxaana dagaalkan uu yimid, kaidb markii Al Shabaab ay weerar dhabo gal ah ku qaadeen kolonyo ka tirsan Ciidankaasi oo ku socdaalayay agagaarka degmada Waajid ee gobolkaasi. Weerarka kadib ayaa la sheegay in dagaal foolka fool ah uu ka dhacay halkaasi, iyadoona labada dhinac ay is weydaarsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan. Al Shabaab oo ka hadlay weerarkan ayaa baahiyay in khasaaro xoogan ay gaarsiyeen Ciidamada Itoobiya, walow aysan xaqiijin inta uu la’egyahay. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Itoobiya iyo saraakiisha Ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalkaasi iyo weerarka ka horreeyay intaba. Xaaladda ayaa saaka dagan, balse Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa dhaq dhaqaaqyo xoogan ka bilaabay duleedka degmada Waajid ee G/ Bakool. The post Faah faahinno ka soo baxaya dagaal ka dhacay G/ Bakool appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites