Sign in to follow this  
Deeq A.

Al-shabaab oo dad ku laayay Shabeellaha hoose

Recommended Posts

Deeq A.   

Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa shalay galab degaanka Mubaarak ee gobolka Shabeellaha hoose ku toogtay saddex ruux oo midkood ahaa oday-dhaqameed,sida ay sheegtay warbaahinta taageerta Al-shabaab.

Qaaddiga maxkamadda Al-shabaab ee fulisay dilka toogashada ah ayaa ku dhawaaqay in labada nin ee kala ah; Mahad Cabdullaahi Abukar iyo Maxamud Faarax Aadan ay ka tirsanaayeen ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya,sidaasna loo toogtay.

Sidoo kale Qaaddiga ayaa sheegay in Maxamed Tifow Xaydar oo ah qofka saddexaad ee dilka lagu fuliyay uu ahaa oday-dhaqameed wax ka soo xulay xildhibaannada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Maxkamadda Al-shabaab waxay sheegtay in raggan lagu soo qabtay hawlgal ay sameeyeen malayshiyaadka dirira ee Al-shabaab.

PUNTLAND POST

The post Al-shabaab oo dad ku laayay Shabeellaha hoose appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this