Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo oday iyo laba nin oo kale xukun ku fulisay kadib arrin ay sheegeen…

Recommended Posts

Deeq A.   

Mubaarak (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab ayaa gelinkii dambe ee shakay fagaare ku yaala deegaanka Mubaarak ee Gobolka Shabellaha Hoose ku toogtay saddex nin, oo mid ka mida uu nin oday ahaa.

Maxkamadda Ururka Al Shabaab ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa raggaasi oo labada kalena ay askar ahaayeen ku xukuntay xukun dil ah, iyadoo shalay galabna xukunkaasi lagu fuliyay.

Fagaaraha uu xukunka ka dhacay ayaa waxaa isugu soo baxay boqolaal ka mid ah dadka deegaanka, oo Shabaabku ay ugu yeereen in ay halkaasi isugu soo baxaan.

Qaadi u hadlay Maxkamadda Al Shabaab ayaa sheegay Maxamuud Faarax Aadan oo 28 jir ahaa iyo Mahad C/laahi Abuukar oo 29 jir ahaa, in ay ahaayeen askar ka tirsan Ciidamada Dowladda Somaliya, halka Maxamed Tifow Xeydar oo 59 jir ahaana uu ka tirsanaa Odayaashii Dhaqanka ee soo xulay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya.

Xukunkan toogashada ayaa waxaa fuliyay maleeshiyada Xisbada, oo iyagu Ururka Al Shabaab u qaabilsan fulinta xukunada ay maxkamadahoodu ridaan.

Shabaabku ma soo bandhigan cadaymo iyo qiraal ku aadan dadka ay xukunada dilka ahi ku fulinayaan, marka laga soo taggo oraahda ay qiilka ka dhigtaan, ee ah (Isagaa qirtay).

Caasimada Online
Xafiiska Marka
Caasimada@live.com 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this