Sign in to follow this  
Deeq A.

XFS oo dalka kusoo celisay Muwaadiniin maxbuus ku ahaa Tanzania

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay dalka dib ugu soo celisay tirro muwaadiniin Soomaliyeed oo wadanka Tanzania ee qaarada Afrika ku ahaa maxbuus dhowr sano.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka ayaa muwaadiniintaan kusoo dhaweeyay wadankooda gaar ahaan garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Muqdisho, halkaasi oo ay kasoo dageen.

Xubno ka tirsan ehelkooda oo dibadda garoonka ku sugayay ayaa markii ay la kulmeen waxay uga mahad-celiyeen dowladda dadaalka ay ugashay soo daynta Ubadkooda oo ay mudo kala maqnayeen.

The post XFS oo dalka kusoo celisay Muwaadiniin maxbuus ku ahaa Tanzania appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this