Deeq A. Posted December 11, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi C/laahi ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Kulanka oo ka dhacay Guriga uu guddoomiye Mursal uu ka dagan yahay xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa sidoo kale Goobjoog ahaa Sanataro ka tirsan BFS. Kulanka oo muddo saacado ah qaatay ayaa waxaa diirada lagu saaray khilaafka Golaha Shacabka iyo arrimaha Mooshinka Madaxweynaha Soomaaliya. Xaaladda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ah weli mid kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed laga dareemayo gudaha magaalada Muqdisho. The post Guddoomiyaha Aqalka Sare Oo la kulmay guddoomiye Mursal appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites