Sign in to follow this  
Deeq A.

Odayaasha Dhaqanka Oo ka horyimid Mooshinka Madaxweynaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kulankan oo ay isugu yimaadeen Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Mogadishu Clan ayaa waxaa lagu taageeray dowladda federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale kulankan ayaa waxaa looga horyimid Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Afhayeenka Odayaasha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Mogadishu Clan Nabadoon C/nuur Axmed Diiriye oo ka hadlay madasha ayaa ka digay in Mooshinkani lagu dumiyo DFS.

Nabadoon C/nuur Axmed Diiriye ayaa shaaca ka qaaday in ay dhIibaato hor leh ka dhalan karto arrintani, loona baahan in qaab sharci ah lagu dhameeyo.

Dhankiisa Nabadoon Muxudiin Xasan Afrax oo ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed ayaa  madaxda dalka ka dalbaday in ay is ixtiraamaan, islamarkaana aysan dib u dhigin horumarka haatan ay hiigsaneyso Soomaaiya.

Ugu dambeyn gudgoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Beelaha Mogadishu Clan Maxamed Xasan Xaad ayaa ugu baaqay madaxda dowladda in ay wax weliba ku dhameeyaan wada hadal.

Nabadoon Xaad ayaa hoosta ka xariiqay in ay diyaar u yihiin ka Dhaqan ahaan xalinta khilaafkaasi.

The post Odayaasha Dhaqanka Oo ka horyimid Mooshinka Madaxweynaha appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this