Deeq A. Posted December 11, 2018 Ninka soo joog laga waayo, soo jiif baa laga helaa, waa murti ay dheehan tahay xikmad iyo micnayaal badani, siyaabo kala duwan loo adeegsan karo, waxan-se imika ka qaadan doonaa, ta ka hadlaysa amin ama wakhti uu qof lumiyey, oo uu ka faa’iidaysan karaayey markii ay ku haboo-nayd, uu haystay fursadda in uu wax ka qabsado, laakiin-se si kastaba ha ahaatee ay dhaaftay mudaddii uu wax ka taransan lahaa, ka dib-na qoomameeyey jaaniskii ka khasaaray, foodana la galay dhibtii uu kaga gudbi lahaa, haddii uu sida ugu wacan markii ay joogtay wadadeeda u maro, digadda kulul ee uu cagaha la galayna aanay timaadeen maanta, ee sidii uu rabay bay u kala socon lahayd, mase dhicin ee labadda gacmoodba buu laba-dible iskaga xidhay qab, lugaha-na qoofal laba qafile ah iyo xadhig-maran isku murugsan, oo aan kala lahayn af iyo dabo-toona, isaga laf-tiisa baa isku yuururiyey, sidii dhurwaa sakal cadw u galay, oo meela aan uga bixi karayn,cid wali-bana ay leedahay ma kii baa dabin idiin galay. oo aan naxariis iyo wax ka fura mid-na aanu filayn, tallo ku ceer-yoontay, oo goor ay xeedho iyo fandhaal kala dhaceen, uu ogaaday in aanu rajo lahayn ee ay u dhamaatay, dabeed faal ula kala baxay,rog-rogay, dhul-kana intii cidiyihii ku jeex-jeexay, jaaniggii kale-na dhafoorka saaray, baadhaayana bal in uu saacadda dib u celin karo, oo uu socdaal hor leh soo bilaabo iyo tallo dhaanta tii jarka ka soo laalaadisay, nasiib daro-se waxa ku soo booday ” Faalkii ” mid aan rajo lahayn, oo la yidhaaho “Af-Yuub”, micni-hiisuna yahay wax-ba kuuma laabna oo dabadda baad jeedisay, ee xamaamadda ka ururso meesha, ilayn muu filayne ilmada wadhay, dhiigii ku kacay, tallo faraha-ka-haaday oo ” Dhaqaa-joogsiga dhanlintii ka yaabtay” kola timaha is jiido, marna kada-loob fadhiisto, dib-naha cuno oo uu ku waasho cidi-yaha, madax xanuun iyo xumad wadda gaadhay, oo aan garan karin meel gacal ugu dhaw yahay, isku meeray-sanaaya, talaaba-diina ka khal-dantay, wado uu dhufto-na la’, khali duuraaya bay-hoof daraadii, oo cidla gebi dhacaaya, isaga oon wax ku noolayn, nafina aanay ku jirin, oo darxumo iyo silic ka muuq-daan, indhihii qabtaana ay arga-gax iyo u qaadan-waa ku noqonayso, baa wuxu soo gurguur-taba, goor fiid-cawl ah uu gataati-dhac, isaga oo luudaaya sidii qof dhiti-naaya, sinaha haysta, kacaa-kufaaya, cuska-naaya hadaba tiir u dhaw, siddii uu sarkhaan yahay, dhawr jeer-na qooni soo gaadhay, ayuu gaadhay gurigii, dib-na aan u soo hungu-rayn macashii loo soli jirey, aan ku soo dhawaado’e iga qabo. Akhristaw, Inan Somaliyeed oo galab adhiga dhexdiisa ku feedha-naysa, oo garayskii furatay, baa dhabar-keedda dambe sanqadh ka maqshay, dabeed way isla booday, deg-deg-na way u xidhatay saddex-qayddii, oo nin baa kugu soo socdda bay is tidhi, ee is astur, laakiin waxay isha ku qac siisay Aaabaheed, waxana ay tidhi ” Aabahay baaban nin mooday” waa sidda inan-taase, Somaliland kay ogaayeen bay weli sacabka u garaacayaan. markaa wixii ku dhacaba iyaka baa ka mansuul ah. waa idnkaas hadeer noqda asiddii gorayaddii lafta dibiga dib u liqday, ee dhuunta ay isku qafishay, baa Somaliland labadda xawla-mariid uu askari-gani ka handaraabay, waa taas soo kuudud-satay, iyadda oo ay maqan yidhiin lugaha intii ka hooseysay ruugaga, tobankii farood-na, oo aan gacan ku oolinina ay garabaha ka laalaadaan. Waxana ka dhigay sidaas, tallo qabiil iyo mid ku raacsan, waa taa deldelan hadda intii u hadhayna, uu u sii dhameeyey kan mareexaan, ee xamar badhi-saabka ka ahi, markii uu askarigu faruur-yaha ku Jaray, mididdii hilibla-yaasha, iyadda nooloo oo si quman u taagan, imika bay noqotay waraabbii hasha cidladda ka helay, ee afarta naasba gooyey, nirig-tiina faruur-yaha soo mud-saday, ee inta uu is dul taagay yidhi ” Murush-Maarash Maxay Ku jiqi?, maxayse ka Jiqi?” waa sidda ay Somaliland ka sameeyeen askarta la kala yidhahao ” Raggii Ma Adigaa Ka hadhay iyo geenyo shaaxi-maniye” oo geeri-go’an ku furay ama kaga daadiyey rarkii boodh iyo habas weyn leh. Inan somaliyeed, oo galab adhiga dhexdiisa Hadaba sidaas kor ku qoran nin-ka la midka ahi, ee ka dhigani wax-ba yaan idinku dheerayne, waa ka boqnaha ku gooyey, kuuna sumeeyey inta haad iyo habar dugaag hilibka cunta, waana ninka sare uu magaciisu ku yaalo, kaas oo imika leh ” Naf-yahay cawa-daranta ciidmisaa, cadceeda miyaa coloow-deen?”, mise waad ii kadaysaa?, maxaan galab-saday ee aad iga kadee-daysaa? buu waydiiyey naftiisa, isaga oo iska qanacsan, taas oo rabta isaga oon is-ogayn, isna dhaadin uga siibato ( Waa nafta’e), oo karahday in ay ku sii jirto, ilayn isma oga halka ay ka taagan tahaye, waxana ay ugu jawaabtay, oo ay ku tidhi, maanta maaha markii aad wax i waydiin lahayd, ee aan ku caawin lahaa, markii aad doobta ridaysay, waxay u sii raacisay naftiisii ( Waa Ina Biixiye) iyada oo xanaaqsan, I dhegayso mid wax gelayaan ma tihide, waxan kuu guud marayaa, oo aan ku xasuusi-nayaa wixii aad iga hoos qaadi wayday, oo ah arimaha ku shidaya ee fur dhegaha, umalayn mayo in aad tahay mid wax marayaane. Ogaw oo horta cidi kuma dooran, ku meel gaadhna laguuma saarin, xaq-na umaad lahayn, mana maamuli kartid, waayo maskax-deedda ma lihid, sidaad wax u wadaana, waa mid ka sii xun tii af-weyne, isna halkuu ku dambayey iyo wixii ka qabsaday caad kaama saara, waxba ha is yeel-yeelin. ka soo maal waa taas circa iyo dhulka mid-na aan jooginee, la is waydiinyoo Somalilande. N.B Murush-Maarash Maxay Ku Jiqi? Maxayse Ka Jiqi? Qore:- Abdi-shotaly. ashotaly5@gmail.com Source Share this post Link to post Share on other sites