Sign in to follow this  
Deeq A.

Kulan Xasaasi ah oo u dhaxeeya Guddoomiye Mursal iyo Cabdi Xaashi oo ka socdo Villa Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar hadda naga soo gaaraya Villa Hargeysa ayaa sheegaya in kulan gaar ah oo u dhaxeeya guddoomiyaha baarlamaanka iyo guddoomiyaha aqalka sare uu ka socdo halkaasi.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku biiray shaqsiyaadka doonaya in xal laga gaaro mooshinka maalin ka hor laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyadoo hadda uu kulan la qaadanay guddoomiye Mursal.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la filayay inuu ka hadlo maanta halka uu marayo mooshinka iyo qoraalka kasoo baxay xafiiska xoghayaha guud ee Baarlamaanka, waxaana uu maanta oo dhan ku jiray kulamo kala duwan sida xogheynta ay inoo xaqiijiyeen.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa kulan la qaatay guddiyadda joogatada ee baarlamaanka qaarkood, waxaana uu kala hadlay howlaha baarlamaanka iyo xiisadda taagan, laakiin natiijada kulankooda lama shaacin.

Warbaahinta ayaa loo diiday inay wax ka ogaadaan kulamada ka dhacaya Villa Hargeysa, iyadoo xildhibaano la doonayay inay warbaahinta kula hadlaan Villa Hargeysa loo diiday.

Cabdi Xaashi Cabdullaahi, guddoomiyaha aqalka sare ayaa shalay kasoo laabtay magaalada Kismaayo oo uu u joogay xalinta khilaafkii u dhaxeeyay dowladda iyo maamulada.

La soco waxii kasoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this