Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyeyaasha Labada Aqal Ee Baarlamaanka Oo Kulan Ku Leh Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiyeyaasha Labada aqalka ee baarlamaanka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah Senator-ada aqalka sare ayaa kulan ku leh magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa ka dhacaya hoyga guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.

Illaa iyo hadda lama oga waxa kulamadan looga hadlayo, hase ahaatee waxaa loo badinayaa inuu la xiriiro arrinta mooshinka laga keenay madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayey kulamo kala duwan oo ay leeyihiin qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamaanka.

Warkaan wixii kusoo kordha dib ayaan idin kala soo socodsiin doonnaa.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this