Sign in to follow this  
Deeq A.

Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Oo bilowday bixinta Baasaboorka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xilli indhawaanahaan dib u qaabeyn aad u sareysa lagu waday Baasaboorka Soomaaliya ayaa maanta waxaa dib u bilowaday qabashada iyo qaadashada Baasaboorka, sida ay shaaciyeen Saraakiil ka tirsan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Tallaabadaan ayaa waxaa si aad ah u soo dhaweeyay qeybaha bulshada Soomaaliyeed oo qaarkood ay saameyn ku yeelatay mudada hakadka uu ku jiray sameynta Baasaboorkaasi.

Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadaha ayaa dib u casriyeen ku sameysay Sistamka ay ku shaqeyso, waxaana xubno ka tirsan Hay’adaasi oo aan xiriir kala sameyntay arrintaan noo xaqiijiyeen in bulshada ay u adeegaan wixii haatan ka dambeeya dareemi doonaan Adeeg hufan iyo hanaan casri ah oo ay u aayi doonaan

“Waxaan sameyneynaa in aaan qurxino Sawirka ka soo muuqanaya Baasaboorka iyo naqshadiisa guud, howshaasi oo dhan waxa ay isugu biyo shubaneysaa tayaynta Baasaboorka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,Guul ayeyna noogu soo idlaatay Sidaasi waxaa Radio Shabelle u sheegay sarkaal sare oo ka tirsan hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya.

Maalmihii u dambeeyay oo aan  la daabicin wax Baasaboor ah,ayaa aad looga dareemayay baahidaasi qeybo badan oo Bulshada ka mid ah  balse Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo ka duuleysa midaas ayaa dar dar gelisay howlaheeda ay ku dar dar galineysay Qalabka ay ku shaqeyso si ay u daboosho baahiyaha iyo cabashooyinka arrintaan la xiriirta ee sida isdaba jooga ah u soo gaareysay.

Waxaana Hay’addu ugu dambeyn ku guuleysatay in maanta  dib u bilowdo shaqooyinkeedii soo saarista iyo qabashada baasaboorada iyadoo maanta mashquul iyo saxmad badan laga dareemayay Xarunta Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha ee Magaalada Muqdisho.

The post Hay’adda socdaalka iyo Jinsiyadaha Oo bilowday bixinta Baasaboorka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this