Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland Oo is hortaagtay dibadbax lagu taageerayay DFS

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe ( Sh. M. Network )-Ciidamada amaanka ee Puntland ayaa maanta is hor taagay dibadbax ay dad shacab ah ku taageerayeen Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed Farmaajo.

Ciidamada ayaa kala eryay shacabkani oo isugu soo baxay Waddooyinka waa weyn ee magalaadasi.

Dhinaca kale Wariye ka tirsan Idaacaddda Garoowe ayey Ciidanka ammaanku xireen muddo kooban, inkastoo markii danbe lasii daayay.

Wariyaha ayaa la qabtay, xilli uu ku guda jiray duubista warar la xariira isku soobaxaasi dadweyne.

Arrintan ayaa imaaneysa, xilli uusan hadda fiicneyn xiriirka ka dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

The post Puntland Oo is hortaagtay dibadbax lagu taageerayay DFS appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this