Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Muxuu Mursal ka ogyahay warqadda xoghayaha joogtada ee ah in mooshinka uu buray?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Iyadoo goordhow xafiiska xoghayaha guud ee Baarlamaanka laga soo saaray warqad lagu cadeynayo inuu buray mooshinkii laga keenay madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa soo baxaya in guddoomiyaha baarlamaanka uusan waxba kala socon warqadan.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in xoghayaha guud ee baarlamaanka ay ku kooban tahay warqadan kasoo baxday xafiiskiisa, waxaana guddoomiyaha baarlamaanka la filayaa inuu arintaan ka hadlo.

Saacadihii ugu dambeeyay waxaa diyaar garow ku jiray warbaahinta, waxaana hadda socota qaban qaabada la doonayo inay bahda warbaahinta ku gaaraan xafiiska Guddoomiyaha baarlamaanka.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa la filayaa inuu ka hadlo halka uu marayo mooshinka laga soo gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, iyo waxa uu ka og yahay warqadda kasoo baxday xafiiska xoghayaha guud ee Baarlamaanka.

Xiisad ayaa ka taagan siyaasadda Soomaaliya, waxaana wararka aan heleyno ay sheegayaan in xildhibaanada gudbiyay mooshinka dhankooda ay doonayaan inay warbaahinta la hadlaan.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this