Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Sare Ee Puntland Oo qaadeysa dacwad u dhexeysa Gaas iyo Camey

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe ( Sh. M. Network )-Maxkamadda sare ee Puntland ayaa maanta u fariisan doonta dawacd u dhexeysa Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeenkiisa C/xakiin Xaaji Cabdullahi Cumar Camey.

Fadhiga Maxkamadda ayaa lagu wadaa in uu furmo saacadaha soo socda ee maanta, iyadoona ay Goobjoog ka noqon doonaan Qareeno kala matalaya labada dhinac ee Gaas iyo Camey.

Dacwadan ayaa ka dhalatay khilaaf ka dhashay laba guddi oo ay xilliyo isku dhow kala magacaabeen mas’uuliyiintaasi.

Maxkamadda Sare ee maamulka Puntland ayaa maanta la filayaa in go’aan kama dambeys ah ay ka gaarto kiiskaasi.

The post Maxkamadda Sare Ee Puntland Oo qaadeysa dacwad u dhexeysa Gaas iyo Camey appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this