Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Dalkaasi Soomaliya Iyo Xubnihii Muushinka Waday Oo Kulan Wada Qaatay .

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)Gudoomiyha Golaha Shacabka ee Baaralamaanka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in saacaddaha Soo aadan uu kulan la qaato Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka soomaaliya ee Mooshinka ka keenay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

4ADC7ADA-58D6-4988-AB29-76D94F913789

Xildhibaanada mooshinka gudbiyay iyo Gudoomiye Mursal ayaa waxaa ka hadli doonaan sida ay ka yeelayaan Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo.

Saleebaan Maxamuud Xaashi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ee mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha ayaa sheegay in Villa Hargeysa uu kulan xasaasi ka dhici doono,kaasi oo u dhexeeya Gudoomiyaha Golaha Shacabka iyo Xildhibaanada Mooshinka Keenay.

Lama oga Go’aanka kas oo bixi doono kulanka maanta la filayo in ay wada qaataan Gudoomiyaha Golaha shacabka iyo Xildhibaanada Mooshinka keenay.
Waxaa cirka isku sii shareeraya Khilaafka u dhexeeya Madaxda ugu sareysa ee Dowlada FederaalkaSoomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this