Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee Shaqo Loo Helaa Ama Loo Abuuraa Q.5’aad.

Recommended Posts

Deeq A.   

Sidee shaqo loo helaa ama loo abuuraa W/Q Farxaan Maxamed Sultan (Rakad) Q. 5’aad

Dawlada iyo saammeynta ay ku leedahay shaqo la’aanta oo sii socda.
Shaqo la’aantu waa dhibaatadda ugu badan ee dawladaha ka horyimaada, Xalka iyo ka hortaga ay sammeeyaan dawladuhu waxay noqdaan innay ku guuleystaan iyo innay ku fashilmaan midkood.
Marka la joogo dalkeenna shaqo la’aantu waa caqabada ugu adag ee hortaalla Dawladeenna, sanadkasta waxa soo baxa arday kala duwan oo dhammeeyay Jaamacaddaha Meelaha kaliya ee ay naawilaan innay ka shaqeeyaan waa dawladda iyo Hay’adaha madaxa banaan, ilaa intii dalka la soo galay ma jirto Dedaal shaqo abuur ah oo la sameeyay marka laga reebo shaqaale si dad ban loo qaato.
Dawladdu waxay saammeyn balaadhan ku leedahay shaqo abuurka dalka waxaanna looga fadhiyaa innay qorshe qaran oo saxa la sameeyo laguna guulleysto in ardayda iyo cidkasta oo shaqo la’aan ka cabbanaysa la meeleeyo taasina waxay ku xidhan tahay hoggaanka dalka iyo gollihiisa wasiiradda qaabka iyo sida ay u maareyn karaan dhibkan inta badan soo jiitamayay.
Waddamadda Caalamka ee la dagaalamay shaqo la’aantu waxay sammeeyeen dedaal aan joogsi lahayn iyo daacadnimo waxaanna u suuro gashay innay soo afmeeraan shaqo la’aanta baahsan ee jirta.
Dawladdu waxay sammayn kartaa innay dhalinyarada iyo ciddii shaqo doon ah ay ku sammeeyaan xog ururin iyo tirikoob saxa oo la ogyahay inta shaqaysa iyo inta aan shaqayn ee jaamacad dhamaysay, dugsi sare dhammaysay , dugsi hoose dhammaysay taasi waxay ka caawinaysaa in sanadkasta la sameeyo qorshe shaqo abuur oo kala duwan ka duulaysa xogta la hayo ! Ha moodina innaan riyoonaya haddii la dedaalo waa mid aad u fudud haddii aad dib u milicsatid waddamada horumar xaggay taagnaayeen 28 sano ka hor.
Haddii la doonnayo in shaqo la’aanta baahsan hoos loo dhigo cidda kaliya ee hoos u dhigi kartaa waa dawlada oo ay ka go’naato shaqo abuur ama xal lagu yaraynayo taasina waxa la arki doonnaa marka dawladdu laftigeedu noqoto dawlad isbeddel u taagan oo markasta dedaal ugu jirta xal u raadinta shaqo la’aanta.
Haddii la doonnayo in shaqo la’aanta hoos loo dhigo waa in dawladdu xoogga saarto waxsoosaarka kala duwan ee dalka sida wershadaha iyo beeraha , iyo in ay dawladu caawiso cidkasta oo iyana diyaar u ah innay wershado cusub iyo beero hir galiyaan.
Jaamacadaha wax lagu barto haddii aqoontooda wax laga beddelo laguna dabaqo baahideena si dhallinta loo baro xirfado shaqo oo naftooda iyo dalkoodaba ay wax ugu qaban karaan taasi waxay hoos u dhigaysaa shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta, tallaabo kasta oo la doonnayo in shaqo la’aanta hoos loogu dhigo waxa sammayn kara dawladdeenna iyo shacabkeenna oo diyaar u ah in horumar lagu tallaabsado.
“Haddii waddanka shaqo la’aantiisu badnaato waxay la mid tahay waddan aan horumar gaadhin, haddii shaqo abuurkiisu batana waxa ay la mid tahay waddan isku filnaansho gaadhay” markaa marka la doonnayo in waddankasta la ogaado horumarkiisa kaliya waxa la eegaa waa imisa heerka shaqo la’aanta ee ka jirta waddankaas? Haddii aan tusaale ku siiyo waddankeenna soomaalilaand shaqo la’aantu waxay kor u dhaaftay 78% halka aynu taagan nahay iyo xaalada waddankeenna lagu tirinayo bal iswaydii Maxaa la innagu tirin karaa?
Haddaba xagga sare waxa aynu ku sheegnay saameynta iyo qaabka ay dawladu shaqo la’aanta hoos ugu dhigo karto , anigana aqoontayda gaaban iyo waayo-aragnimadayda aan talada uga dhigayo inta shaqo la’aantu hayso waxaan leeyahay shaqo la’aanta waa laga baxayaa ama adigaana iska saaraya oo shaqo abuuranaya ama adiga ayaa shaqo raadsanaya oo helaya, haddii aad doonneysid innaad shaqo heshid waxay ku jirtaa gacantaada, dedaalkaaga iyo kartidaada.
Haddii aad dedaashid, haddii aad samirtid haddii aad waddooyin kala duwan u martid innaad shaqo heshid ama abuurtid maalin unbaad ku guulleysan se cidda ay ku xidhan tahay innay waddooyinkaas uu qaado waa adiga, oo Markasta Alle kaashanaya.
Haddii aad doonneysid inaad shaqo abuurtid ama aad shaqo heshid markasta waxaad u baahan tahay waayo-aragnimo waayo aragnimadduna waxay ka timaadaa innaad cid u shaqaysid iyo innaad adigu shaqo abuur aad sammaysay aad ka heshid fashil iyo waayo – aragnimo.
Haddaba anigu waxaan kugula talinayaa haddii aad doonneysid inaad shaqo heshid marka hore adigu shaqo doonne ama shaqo abuure noqo, diyaarna u noqo innaad shaqaysid ama laguu shaqeeyo haddii aad doonneysid inaad shaqo heshid oo aad cid u shaqaysid waxay kaaga baahan tahay innaad albaab kasta garaacdid oo aad qofkasta oo meel haysta aad shaqowaydiisatid codsi iyo CVna aad u geysatid ka dibna ku noq-noqotid haddii aad shaqo doon tahay maaha innaad shaqo ka raadisid inta aad isku reerka tihiin se waxa loo baahan yahay innaad markasta aqoontaada ku kalsoon tahay ka dibna cidkasta aad hor dhigi kartid aqoontaada iyo waayo-aragnimadaada, haddii aad aqoon leedahay tus qaabka aad horumar u gaadhsiin kartid halka aad shaqada ka rabtid kuna caddee codsigaaga.
Haddii aad shaqo doon tahay markasta waxa lagaaga baahan yahay dedaal joogtaa, samir badan, adkeysi , iyo xidhiidho badan oo aad bulshada qaybaheeda kala duwan la yeelatid, taasi waxay kugu hagaysaa inaad mar un shaqo heshid.
Haddii aad shaqo heshid na maxaa lagaaga baahan yahay Afar qodob Ayaan ku soo koobayaa, waan hubaa innaad mar un shaqo helaysid haddii aad tahay qof wanaagsan oo Alle ku xidhan , aqoon iyo dhaqan wanaagsan leh, ee bal haddii aad shaqo doon tahay ama aad diyaar u tahay ama aad abuuraysid isku day inaad yeelatid astaamahan hoose :-
Diin: Noqo qof diin leh oo diintiisa jecel Allena raalli galiya
Dhaqan: Noqo qof dhaqan iyo asluub leh haddii aad dhaqan wanaagsan leedahay waxba waayi maysid, haddii aad dhaqan wanaagsan leedahay cidkastaa waa ay ku jeclaan kana feejignoow oo jooji waxyaalaha dhaqannada xumeeya sida Qaadka, sigaarka iyo balwadaha xun xun ee indhaha dadka kugu soo jeedinaya, qaabkaaga dhis, labiskaaga qurxi, dhaqankaaga ha laga garto hadalkaaga, labiskaaga iyo aqoontaadaba ha u eekaadaan aqoonta aad leedahay.
Aqoon: markasta aqoontaada aamin una beddel ficil iyo inaad meeshaad ka shaqo gashid aad wax kaga bedeshid, kor u qaad ka dibna ka faa’ideyso cidkasta oo kaa aqoon badan kuna dayo inaad gaadhi kartid oo aad waliba dhaafi kartid.
Dabeecad: haddii aad dabeecad xun tahay Waa abuur Alle se waxa lagaaga baahan yahay in dabeecadaada xun kaga timaadid gurigii aad ka soo toostay waa in aad ku dhaqantid dabeecadda shaqada ee aad goobta ugu timid, haddii aad dabeecad xumaatid waxaad noqon doontaa shaqaale ka shaqeeya sanad gudihii in ka badan 10 goobood oo shaqo ah “Haddii aad dabeecad wanaagsan leedahay waxaad noqon doontaa shaqaale sanado badan ka shaqeeya hal goo oo kaliya”
Haddii aad shaqaale ama loo shaqeeye noqotid waa lagama maarmaan innaad astaan ka dhigatid qodobadaas aan kor ku soo sheegay waayo markasta waxa aad la shaqaynaysaa bulsho iyo dadyaw kala duwan oo kala dabeecad ah, kala diin ah, kala aqoon ah haddii aad astaamahaas sare leedahay waa lagama maarmaan innaad meelkasta ka noqon doontid Dheeman la jeclaado oo haddii uu fasax galo wax badan la dareemo oo la is waydiiyo.
Balanteennu waa noqo qof ka dhisan xag diimeed, aqooneed, dabeecadeed, qaabeed, xirfadeed, bulsheed taasi waxay kor u qaadaysaa in cidkastaa ku jeclaato kula soo xidhiidho ka diba meelo badan lagaa soo dalbado iyadoo lagu leeyahay maad noo shaqayn.
Waan ogahay in shaqo la’aan baahsan idin hayso, waan ogahay inaad jeceshiin innaad shaqo abuurataan, waan ogahay innaad jeceshiin inaad dalacdaan oo aad meel sare gaadhaan, waanna sababta aad maqaalkan u akhrinaysid innaad tallo ka heshid, waan kugu hambalyaynayaa inaad akhriday maqaalkayga, waan hubaa nasiib ayaad leedahay, samir ayaad leedahay, waxaanad diyaar u tahay isbeddel , waad helaysaa shaqo , waad abuuraysaa shaqo ama waad ka dalacaysaa halka aad imika taagan tahay waayo samirkaaga iyo dedaalkaaga waxaan ka dhex arkaa wakhtiga aad siisay maqaalkan insha Allah waxaan adiga si gaara kuugu duceynayaa in Alle ku gaadhsiiyo halka aad jeceshay, u dedaal sida aad imika wakhtiga u siisay akhriska maqaalkan, wakhti u sii sida aad shaqo ku heli lahayd ama aad u abuuri lahayd iyo sidii aad u dalici lahaydba, waan ku farxay innaad ila akhriday ana waan kula jeclaaday inaan wixii aan idin dheerahay idinla wadaago waad ku mahadsan tahay Akhriskaaga wixii kale ee aad u baahatid Waxaad ii soo diri kartaa Fariin.
Farxaan Maxamed Sultan (Rakad)
farxaanmxd@gmail.com
Facebook: Rakad Mxd Sultan
Article: 329
Tell: – 063-4400319
Berbera.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this