Sign in to follow this  
Deeq A.

Jaaliyada Soomaaliyeed Ee Melbourne Ayaa 150 Qof Qaliin Indha Fiiqis Ah ugu sameeyay Magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Kooxda gabdha iyo tariikhta la socdota wafdiga jaaliyada Soomaaliyeed ee Melbourne ayaa qaliin indha fiiqis magaalada Muqdisho ugu sameeyay in ka badan 100-qof oo iskuga jir rag iyo dumar horayna waxa arinta oo kale kasoo fuliyeen Magaalada Kismaayo ee gobolka jubadda hoose.

48391704_2207461329285718_52710346058419

Dadkii loo sameeyay qaliinka indha fiiqista ayaa u Mahad celiyay jaaliyada soomaaliyeed Australia,iyagoo dhinac dal u diray qurbajoogta kale in iyagan ay sidan oo kale ay u caawiyaan dadka ku dhibaataysan gudaha.

48191374_2207461139285737_31758838157887

Dr.Cabdi Casiis Cabdiqaadir Cabdisamad oo ah hogaaminaya wafdiga taariikhiga wehlinaysa kooxda qurbajoogta Soomaaliyeed ee Melborne ayaa sharxaad ka bixisay qaabka ay u qabsoontay howsha qaliinka ay Muqdisho ka fuliyeen iyo jawaab celinta ka imaanaysa dadkii lagu fuliyay qaliinka.

47681692_2207460382619146_64251333566896

Qaar ka mid ah wafdiga Melbourne oo la socday kooxda taariikhta ayaa inoo sheegay in gudaha ay ka jirto baahi badan oo caafimaad ah markii ay ku laabtaan Australia ay bulshada usoo bandigidoonaan sidii loo dar daroi gelin lahaa sidii caawin lahaa muwaadiinta ku dhibtaysa guud ahaan wadanka.

48336077_2207460282619156_56712809631837

Tababaraha kooxda kubbadda Melbourne Cali Xuseen ayaa sheegay in aad ugu faraxsan yahay markii uu la sheegtay dadkii lagu sameeyay qaalinka kuwaas oo maalmo ka hor aan qabin aragti wax ay wax ku arkaan,balse markii ay heleyn indha fiiqis ay xaladooda wax badan iska badashay arintan ay sii wadidoonaan sanadaha soo aadan.

47442504_2054530581260360_67791680048201

Kaliya sanadkan kooxda jaaliyeed ee Soomaaliyeed ee Mlebourne uma imaanin ciyaaro saaxiibtinimo iyo dhaxgal bulsho waxa ay  ka qeyb qaateyn caawinta shacabka maagaalooyinka Muqdisho,Kismaayo iyo  Baydhabo sanadaha soo aadan qorshooda waxaa ku jiraa dhamaan in ay howl cafimaadka ka sameeya dalka oo idil.

Halkan Ka Daawo Warbixin Ku Saabsan 

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this