Deeq A. Posted December 11, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka, gaar ahaan kuwii Mooshinka ka gudbiyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa xalay la kulmay guddoomiyaha BFS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Kulankan oo ka dhacay Guriga Guddoomiye Mursal uu ka dagan yahay Madaxtooyada ayaa waxaa looga hadlay arrimaha Mooshinka iyo sidoo kale wararka sheegaya in xabsi Guri laga dhigay. Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in ay u suura gashay in Madaxtooyada ay galaan, iyagoo ka booday biro lagu xiray Guriga guddoomiyaha, sida uu hadalka u dhigay. “In ka badan 24 saacadood oo Gudoomiyaha Golaha Shacabka Mohamed Mursal ku go’doonsanaa Gurigiisa oo ku dhexyaala Madaxtooyada Soomaaliya ayay noo suurogashay inaan u tagno kadib markii aan ka boodnay biro lagu xiray Guriga uu ka dhex deganyahay Madaxtooyada”ayuu yiri Xildhibaan Mahad Salaad. Sidoo kale saacadaha soo socda ee maanta ayaa la filayaa in Warbaahinta uu la hadlo guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, kana warbixiyo xaaladda cakiran ee ku soo korortay Golahaasi. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Xildhibaano ka tirsan BFS Oo la kulmay guddoomiye Mursal appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites