Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibadbax lagu taageerayo Farmaajo Oo ka dhacay Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo dalka Kenya ayaa ku warramaya in xalay dibadbaxyo xoogan ay ka dhaceen M/  Nairobi ee xarunta dalkaasi.

Dibadbaxyada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa lagu taageerayay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Sidoo kale banaanbaxan ayaa looga soo horjeeday Mooshinkii laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo.

Dibadbaxayaasha oo isugu soo baxay Waddooyinka waa weyn ee Nairobi, gaar ahaa xaafadda Islii ayaa ku qeylinayay Erayo ka dhan ah Mooshinkaasi.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in xilligan aan loo baahneen Mooshin iyo khilaaf horleh.

Shalay ayey aheyd markii dibadbaxyo la mid ah kuwan ay ka dhaceen qeybo ka mid ah M/ Muqdisho, kuwaas oo ay dhigeen qaar ka mid ah shacabka G/ Banaadir.

Banaanbaxyadan ayaa ka dhashay, kadib markii Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

The post Dibadbax lagu taageerayo Farmaajo Oo ka dhacay Nairobi appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this