Sign in to follow this  
Deeq A.

Faysal Cali Waraabe oo ku biiray mooshinka ka dhanka ah Farmaajo (Dhageyso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Eng Faysal Cali Waraabe guddoomiyaha xisbiga UCID ayaa ka hadlay mooshinka xildhibaanada baarlamaanka ka gudbiyeen madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo soo dhaweeyay mooshinka.

Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka looga baahan yahay inay qaadaan talaabo ay ku keenayaan madaxweyne Wanaagsan oo badali kara madaxweynaha, islamarkaana labada sano ee soo hartay wax badan qaban kara.

“Aniga xiriir ayaan Soomaaliya dad kala leeyahay waana kala Shaqeynayaa inay xilka ka qaadaan Farmaajo, si labada sano ee soo socota loo gaaro dimuqraadiyad” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe”.

Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay xildhibaanada marka hore ay ku qaldameen doorashada madaxweynaha, waxaana uu sheegay in xiligan ay heystaan fursad ay madaxweyne cusub kusoo dooran karaan.

Eng Faysal Cali Waraabe ayaa kamid ahaa masuuliyiin madaxweyne Farmaajo kula kulmay dalka Belgium-ka isagoo xiligaasi sheegay inuu wax badan kala hadlay madaxweyne Farmaajo ayna isku fahmeen, laakiin hadda lama oga waxa badalay aragtidiisa.

Dhageyso codka Faysal

https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Feysal-Cali-Waraabe.mp3

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this