Sign in to follow this  
Deeq A.

Amb.Safiina oo soo bandhigay Mashruuc Somaliland u baahan tahay

Recommended Posts

Deeq A.   

Maanta kulan qiimo wayn kadib waxaan gacanta ku soo dhigay Mashruuc muhiim ah dalkuna u baahan yahay hadii Wasaarada Maliyadu dabaqdo mudo bil gudiheed waxa hoos u dhacaya sicir bararka dalka ka jira ee laxakamayn waayay.

Hadii Bangiyada dalka sida Salaama Bank, Dahabshiil Bank, Premier Bank, iyo Banka dhexe ee Qaranku dabaqaan ay dunidu aaminayso oo Tujaarta dunidu lacagtooda ku soo aamini doonaa SOMALILAND sida lacagta loo dhigto Switzerland oo kale.

Hadii ay xukuumadu ku dabaqdo dalka, golaheeda wasiirada, iyo shaqaalaha dawlada uu dalku noqon doono ( من حال الي حال من الأرض إلى السماء ) , Dalkuna wuxuu jari doonaa talaabo aad iyo aad u wayn oo is badal iyo wax soosaar ah, ilaa laga gaadho isku filnaasho dhamays tiran.

kulankan maanta waxaan laqaatay Dr.Cadnaan kalkataawi waa Aasaasaha barnaamijkan wayn ee dunida anfacay ee
-( Al XAWKAMA )-
1- Al xawkama tal Bankiya
2- Al xawkama tal Masrafiya
3- Al xawkama tal Idaara
4- Al xawkama tal Suluukiya
5- Al xawkama tal Tanmiya
6- Al xawkama tal Diplomasiya

Dr.Cadnaan kalkatawi waa madixii hore ee
-(Saudi France Bank JEDDAH)- waana mid kamida hawl wadeenada wada [Hiigsiga sacuudiga ee 2030].

Asxaabeey waxaan dareemi karaa inaad la yaaban tihiin -(Al xawkama)- iyo waxay tahay, waa barnaamij dunida ku cusub oo la aasaasay 1991, ee iska suga wuu idin soo gaadhi doonaa.

Barnaamijkan waxaan la wadaagi doonaa masuuliyiinta ay khusayso sida bangiyada dalka iyo wasaaradaha Maliyada, Maalgashiga, Qorshanyta iyo sadexda Xisbi Qaran.

Kulankan waxa ii wehel ahaa garab wayna isiiyay Porf #KAYD oo ah khabiir ku takhasusay sharaxaada quruxda badan ee Somaliland, Nour-alhudaa Ali Banfas abti barakoow oo midigtu kuma godo.

Amb Ahmed Safiina

Image may contain: 2 people, including Amb Ahmed Safiina, people smiling, people standing, plant and outdoor

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this