Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro:-Shacabka Muqdisho Oo taageero u muujiyay Madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Boqolaal dadweyne ah oo maanta isugu soo baxay waddooyinka M/ Muqdisho ayaa teegeero u muujiyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Dadkan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir ayaa ka horyimid Mooshin laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo.

Dibadbaxayaasha oo gacmaha ku sitay boorar ay ku xardhan yihiin Sawirka Madaxweynaha ayaa ku qeylinayay Erayo ay ka mid yihiin Mooshin dooni meyno, Qaran dumis dooni meyno iyo kuwa kale.

Qaar ka mid ah dibadbaxayaasha oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ay la dhacsan yihiin dowladda iyo waxqabadka Xukuumadda Soomaaliya.

Banaanbaxani ayaa ka dhashay, kadib markii shalay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo.

Halkan hoose ka Daawo Sawirrada:-

30.jpg

12.jpg

10.jpg

06.jpg

04.jpg

03.jpg

02.jpg

01.jpg

0.jpg

1111.jpg

The post Sawirro:-Shacabka Muqdisho Oo taageero u muujiyay Madaxweyne Farmaajo appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this