Deeq A. Posted December 10, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Waxaa maanta dib ugu soo laabtay M/ Muqdisho Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo in muddo ah ka maqnaa dalka. Siyaasigan waxaa Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyay Xildhibaano ka tirsan labada Aqal ee BFS iyo qeybaha kala duwan ee bulshada. C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo la hadlay Warbaahinta ayaa u mahadceliyay dhammaan dadkii soo dhaweeyay. Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Wadajir Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa si aad u dhaliila siyaasadda dowladda Soomaaliya. The post C/raxmaan Cabdi Shakuur Oo dib ugu soo laabtay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites