Deeq A. Posted December 10, 2018 Doha ( Sh. M. Network )-Toban Diblomaasi Soomaali ah oo ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa ku tababaranaya Machadka Diblomaasiyadda Qatar, iyadoo tababarku uu u bilowday shalay oo Axad ah Waxaa loogu talo galay Tababarkan ay ka qeyb galayaan Diblomaasiyiinta Soomaaliyeed in uu socdo muddo shan cisho ah. Tababarka ayaa lagu qaadanayaa casharro ku saabsan habka wadaxaajoodka iyo nabad samaynta, caqabadaha qaanuunka caalamiga ee bani’aadannimada iyo mowduucyo kale oo ka qeyb qaadanaya horumarinta xirfadaha. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Diblomaasiyiin Soomaaliyeed Oo tababar looga furay Doha appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites