Deeq A. Posted December 10, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo ku hubeysnaa Bastoolado ayaa barqanimadii maanta Askari ka tirsanaa Ciidamada dowladda Soomaaliya ku dilay gudaha degmada Dharkenley ee Ggobolkan Banaadir. Askariga la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cumar Carab, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in mid ka mid ahaa Raggii ka dambeeyay dilkaasi Toogasho ay ku dileen Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya. Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka degmada Dharkenley iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi. Shalay ayey aheyd markii laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda lagu dilay xaafadda Black Sea ee magaalada Muqdisho. The post Kooxo hubeysan Oo Askari ku dilay degmada Dharkenley appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites