Sign in to follow this  
Deeq A.

Nuxurka khudbaddii CC uu maanta ka jeediyay soo dhaweyntiisii Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi C/raxman Cabdi Shakuur Warsame oo muddo 10 Bil kadib maanta kusoo laabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arimo dhowr ah iyo eedeyn uu u jeediyay madaxda dowladda Soomaaliya.

Siyaasiga oo ka hadlayay munaasabad soo dhaweyn ah oo Muqdisho loogu sameeyay ayaa wuxuu kaga hadlay waxyaabo badan oo dhaliil u badnaa, isaga oo soo hadal qaaday dhibaatada Daacish iyo Shabaab ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Nuxurka khudbadiisa ayaa la xiriirtay arrimaha amaanka, isbadalka siyaasadda Soomaaliya iyo caqabadaha kooxaha ka horjeeda ku hayan Shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in kooxaha AL Shabaab iyo Daacish ay dhibaato ku hayaan Shacabka Soomaaliyeed, iyaga oo canshuur ka qaada meelaha ay maamusho dowladda Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

Mar uu ka hadlayay Siyaasadda dalka ayuu sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uusan u dulqaadan karin dhaliilaha ay kooxaha mucaaradka u jeediyaan.

Maamulada Puntland iyo Somaliland ayuu sheegay in musharixiinta tartantaa ee mucaaradka ah ay dhaliili karaan hogaanka talada haya, laakiin madaxweyne Farmaajo uusan ogoleyn dhaliilaha loo jeediyo, sida uu sheegay.

“Musharixiinta Puntland siday doonaan ayay u dhaliilaan madaxweyne Gaas, kuwa Somaliland sida saxda ah ayay u dhaliilaan Madaxweyne Muuse Biixi”ayuu yiri C/raxmaan Cabdi Shakuur.

Wuxuu ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay meel kaga soo wada jeestaan danaha ummadda Soomaaliyeed dadka ka hor imaanaya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this