Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan sheegay in xabsi guri laga dhigay gudoomiyaha Baarlamaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Khaliif Cabdi Cumar oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in xabsi guri la galiyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xildhibaanada loo diiday in ay galaan xarunta Villa Hargeysa iyo guryahooda ku yaala madaxtooyada.

Waxa uu sheegay in xukuumada ay cadaadineeyso Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee mooshinka gudbiyay iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Majiro war rasmi ah oo arintaasi xaqiijinaya ama beeninaya oo ka soo baxay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shalay gudoonka Baarlamaanka u gudbiyay mooshin kalsooni kala noqosha ah madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho

The post Xildhibaan sheegay in xabsi guri laga dhigay gudoomiyaha Baarlamaanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this