Sign in to follow this  
Deeq A.

Mahad Cawad “Baarlamaanka lama furi karo ilaa gudoonka uu isku raaco in la furo”

Recommended Posts

Deeq A.   

Gudoomiye ku xigeenka labdaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdala Cawad oo goordhow shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa arimo kala duwan ka hadlay.

Cawad ayaa sheegay in kulanka Baarlamaanka aan la furi karin ilaa gudoonka Baaramaanka ay isku raacaan xiliga uu furmayo.

Waxa uu sidoo kale sheegay in guddigii horay loo kala diray ee maaliyada uu gudoomiyaha Baarlamaanka faray in ay shaqadooda sii wataan go aankaasi uu yahay mid sharciga baalmarsan guddigaasina ay tahay sidii loo kala diray.

Khilaaf ku aadan mooshin kalsooni kala noqosha ah ayaa khilaaf ka dhex abuurtay gudoonka golaha shacabka Soomaaliya

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho 

The post Mahad Cawad “Baarlamaanka lama furi karo ilaa gudoonka uu isku raaco in la furo” appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this