Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibadbax ka dhan ah Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo Oo ka bilowday Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Dibadbaxani oo ah mid ballaaran ayaa waxaa saaka uu ka bilowday gudaha magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Banaanbaxa ayaa ah mid looga soo horjeedo Mooshin la sheegay in laga gudbiyay Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo.

Dadweyne fara badan oo ka kala yimid degmooyinka gobolka Banaadir ayaa isugu soo baxay Waddooyinka waa weyn ee M/ Muqdisho.

Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinaya Erayo ay ka mid yihiin Mooshin dooni meyno, Qaran dumis dooni meyno iyo kuwa kale.

Waxaana dadweynahan lagu arkayaa qeybo ka mid ah Waddooyinka Maka Al-Mukarama, Wadnaha iyo Sodonka ee magaalada Muqdisho.

Arrintan ayaa ku soo aadeysa, xilli shalay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka ay gudbiyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo, inkastoo Mooshinkaasi ay sharci darro ku tilmaameen guddoomiye ku xigeenada Baarlamaanka Soomaaliya.

The post Dibadbax ka dhan ah Mooshinka laga gudbiyay Madaxweyne Farmaajo Oo ka bilowday Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this