Deeq A. Posted December 10, 2018 Laascaanood ( Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan ayaa xalay weerar xoogan ka fuliyay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa la sheegay in lagu qaaday Saldhig Ciidamada Booliska Somaliland ay ku leeyihiin magaaladaasi. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarkaasi oo muddo qaatay, la’iskuna adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Wararka qaar ayaa sheegaya in weerarkan ay ka dambeeyeen saraakiil iyo askar horay uga goosatay maamulka Somaliland. Balse saraakiil ka tirsan kuwa maamulkaasi oo ka hadlay weerarkan ayaa ku eedeeyay dhanka maamulka Punntland. Welina ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka Puntland oo ku aadan weerarkaasi. Xaaladda ayaa saaka dagan, balse Ciidanka Somaliland ayaa howlgallo ka bilaabay ghudaha magaalada Laascaanood gobolka Sool ee Waqooyiga Soomaaliya. The post Rag hubeysan Oo weerar ka fuliyay M/ Laascaanood appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites