Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka Oo duqeyn ku dilay 4 ka tirsanaa Al Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-War ka soo baxay taliska AFRICOM ee Mareykanka ayaa lagu sheegay in diyaaradahooda dagaalka  ay duqeymo cirka ah ay ku dileen xubno ka tirsanaa Al Shabaab.

Weerarkan oo ka dhacay deegaanka Basra ee gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa Mareykanku waxa uu sheegay in uu ku dilay 4 ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab.

Sidoo kale Mareykanka ayaa shaaciyay in wax khasaare ah duqeyntaasi uusan ka soo gaarin dadka Rayidka ah ee ku dhaqan halkaasi.

Ma jiro illaa iyo iminka wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Al Shabaab oo ku aadan duqeyntaasi.

Duqeyntan ayaa noqoneysa tii 39-aad ee uu Mareykanka ka fuliyay Soomaaliya sanadkan gudihiisa.

Tan iyo markii uu la wareegay Madaxweyne Trump talada, Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

The post Mareykanka Oo duqeyn ku dilay 4 ka tirsanaa Al Shabaab appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this