Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawladda Sucuudiga Oo Sheegtay In Aanay U Soo Gacan Gelin Doonin Xukuumadda Turkiga Dadkii Ka Dambeeyeen Dilka Weriye Jamaal Khaashuqji.

Recommended Posts

Deeq A.   
20181117636780103568723152jamal-khashogg

(SLT-Riyadh)-Dawladda Sucuudiga ayaa sheegtay in aanay u soo gacan gelin doonin xukuumadda Turkiga dadka looga shakisan yahay inay ka dambeeyeen dilka weriye Jamaal Khaashuqji.

Wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga ayaa shir jaraa’iid uu ku qabtay magaalada Riyaadh ka sheegay in aysan muwaadiniintooda u dhiibi doonin cid kale.

“Ma dhiibi doono muwaadiniintayada” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Sucuudiga, Caadil Al Jubeyr.

Caadil ayaa dhaleeceeyay sida Turkiga uu macluumaadka ula wadaagay boqortooyada Sucuudiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this