Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaano saxiixooda laga been abuuray oo iska fogeeyay mooshinka Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-: Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka oo magacyadooda lagu lifaaqay mooshinka laga gudbiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in saxiixyadooda laga been abuurtay.

Xildhibannadan oo shir jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa iska fogeeyay magacyadooda oo lagu xusay mooshinka, waxayna sheegeen in ay sharci la tiigsan doonaan dadkii ka dambeeyay arrintan.

XIldhibaan Sheekh Shaacir iyo Xildhibaan Huddo oo kamid ahaa XIldhibaannada laga been abuurtay ayaa intaas ku daray in maanta dalka uusan u baahnayn carqalad iyo qad, loona baahanyahay in shacab iyo dowladba in gacmaha la is qabsado.

Mooshinka laga keenay Madaxweynaha oo sii jiitamayay muddooyin bilo ah ayaa sii xoogeystay maanta keddib markii Guddoomiyaha Barlamaanka uu ku biiray dadka ka biya diidan siyaasadda Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha.

 

Caasimada Online
Xafiiska-Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this