Sign in to follow this  
Deeq A.

“Xildhibaanada Mooshinka Gudbiyay Wasiiro ma wada noqon karaan dan ayayna leeyihiin”waxaa yiri…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah shaqsiyaad xilal kala duwan kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray ayaa ka hadlay mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Siyaasi Cali Maxamuud Faarax “Seeko” oo xildhibaan horey usoo noqday ayaa sheegay in xiligan aysan haboobeyn mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya, maadaama jiraan shaqooyin kale oo horyaala dowladda.

Wuxuu  Siyaasiga ku eedeeyay xildhibaanada gudbiyay mooshinka inay leeyihiin dano gaar ahaaneed, waxaana uu cadeeyay inay dhamaantood wada doonayaan inay wasiiro noqdaan, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xiligaan mooshinka la keenay ay direyso fariin aan wanaagsaneyn, maadaama dagaalka Al Shabaab iyo diyaarinta qorshaha doorashooyinka ay socdaan.

“Ma aaminsani xildhibaano madaxweyne ridi kara inay mooshinkaan keeneen, waxaan isleeyahay waxay direysaa Fariin aad u xun oo xiligaan aan ku habooneyn, maadaama xiligan dowladda howlo badan ku mashquulsan tahay”

“Mooshinkaan Wuxuu salka ku hayaa dano gaar ah, waxaan arkayay xildhibaano badan oo haween iyo rag ah oo mooshinka gudbiyay, xildhibaan walbaa wuxuu rabaa inuu wasiir noqdo”ayuu yiri Cali Seeko.

Siyaasiyiinta iyo xildhibaanada ayaa ku kala aragti duwan mooshinka laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this