Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo Shaaciyay Magacyada & Qabiilada Raggii ka dambeeyay weerarkii Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Al Shabaab ayaa markii ugu horeysay muddo isbuucyo ah kadib baahiyay magacyada labo kamid ah dadkii ka dambeeyay weerarkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo lagu dilay wadaadka C/Welli Cilmi Yare.

Qoraal lagu baahiyay baraha lagu faafiyo wararka Al Shabaab ayaa la sheegay in weerarkii ka dhacay magaalada Gaalkacyo uu ku jiray dadkii ka dambeeyay nin lagu magacaabo Cumar Cabdullahi Ciise oo 40 jir ahaa, kana soo jeeday Beesha Daarood.

Ruuxa labaad ayaa Al Shabaab waxay magaciisa ku sheegay in la dhihi jiray Maxamed Sh.Nuur Maxamed oo ka soo jeeday Beesha Raxanweyn, waxaana uu kamid ahaa dadkii ugu horeeyay ee xarunta galay.

Dadka ku dhintay weerarkaasi oo gaarayay 20 ruux waxaa kujiray wadaadkii xerta ku hayay koofurta Magaalada Gaalkacyo, walow Al Shabaab aysan shaacin magacyada ragga kale ee weerarka ka dambeeyay.

Al Shabaab ayaa horey u baahiyay magacyada, Qabiilada iyo codadka dadka ay sheegaan inay ka dambeeyaan weerarada abaabulan ee lagu qaado magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka.

Ciidamada Galmudug ayaa horey maalintii weerarka dhacay shaaciyay inay qabteen mid kamid ah raggii weerarka ka dambeeyay isaga oo dhaawac ah.

Caasimada Online
Xafiiska Mudug
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this