Sign in to follow this  
Deeq A.

Banaanbaxyo Xoogan oo ka bilowday Muqdisho & abaabul soconaya +Sawirro

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ka bilowday Banaanbax xoogan oo ay sameynayaan shacabka magaalada Muqdisho, kaasi oo looga soo horjeedo mooshinkii laga gudbiyay madaxweynaha Soomaaliya.

Banaanbaxa oo ku bilowday dhalinyaro Kooban ayaa is qabsaday meelo kale oo badan, waxaana la sheegayaa inay dadka ku dhawaaqayaan erayo ka dhan ah xildhibaanada mooshinka gudbiyay.

Dadka banaanaxa dhigaya ayaa u muuqdo kuwo lasoo abaabulay, waxaana la qorsheynayaa inay ku kulmaan fagaaraha Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere, sida wararka aan ku heleyno.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in maamulka gobolka Banaadir uu qeyb ka yahay dadka ka dambeeya abaabulka banaanbaxayaasha, waxaana ay ka gaabsadeen inay warbaahinta la hadlaan.

Qaar kamid ah guddoomiyaasha Degmooyinka ayaa xalay fariimo u diray dadka madaxda u ah abaabulka Banaanbaxyada, waxaana la filayaa in banaanbaxyada ay sii xoogeystaan.

1-1.jpg 2-1.jpg 3-1.jpg

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this