Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaare ka dhashay weerar xalay ka dhacay Laascaanood

Recommended Posts

Deeq A.   

Hal qof ayaa inta la xaqiijiyay ku dhintay mid kalena waa ku dhaawacmay rasaas ay xalay is-weydaarsadeen dabley weerartay taliska qeybta Booliiska Somaliland ee magaalada Laascaanood iyo ilaaladii saldhigaasi.

.
Qofka dhintay oo la sheegay in uu ka tirsanaa dableyda weerarka qaadday ayaa markii hore dhaawac culus soo gaaray,wuxuuna geeriyooday saacado kadib sida ay sheegeen goobjoogayaal.

Sidoo kale qofka dhaawacmay ayaa la sheegayaa in uu ahaa askari ka tirsan ilaalada saldhiga Booliiska ee magaalada Laascaanood.

Dableyda weerarka qaaday oo aan haybtooda la aqoonsan ayaa goobta isaga baxsaday

PUNTLAND POST

The post Khasaare ka dhashay weerar xalay ka dhacay Laascaanood appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this